Guurnet- Soomaalida Guurdoonka ah
Guurdoon Matahay?
La sheekeyso 30,000+ ooSoomaali ah oo ku nool adduunka oo dhan: Isticmaal App keena Guurdoonka.

Sabab Guurnet?

Jaceyl Caalami ah
La sheekeyso Soomaalida ku nool daafaha caalamka adigoo isticmaalaya App keena.

Iskubeeg Caaqil ah
Guurnet wuxuu isticmaalayaa tiknolojiyad ku wanaagsan iskubeegga dadka isku qalma.

Shukaansi badqaba
Waxaan xoogga saarnaa inaad hesho shukaansi badqaba oo guul ku dhamaada.
Nagu saabsan
Tan iyo Sanadkii 2013 ayuu Guurnet Dadka u Adeegayaa!
Guurnet wuxuu ku faanaa inuu si aan kala joogsi lahayn ugu adeegayay dadka guurdoonka ah ilaa sanadkii 2013 xilligaasi oo aysan jirin barnaamijyo noocaan ah.
Guurnet ujeedadiisu maahan inuu helo dad fara badan ee waa inuu u adeego dad yar balse leh tayo marka ay noqoto guurdoonnimada.
Sidoo kale Guurnet looma sameeyn inuu dhaqaale ka sameeyo shaqada uu hayo ee waxaa loo sameeyay inuu fududeeyo guurka oo ah waxa ugu wanaagsan ee laga shaqeeyo.
Sadexdii sano ee ugu danbeeysay Guurnet waxaa ku soo biirayay dadyowga kale ee Afrika iyo Carabta oo raadinaya inay nolol la wadaagaan Soomaalida.
Haddaba maantaba iska diiwaangali guurnet oo hel qof kuu qalma.

Do You Have Any Questions?
Su’aal Iyo Jawaabo
Halkaan waxaan ku soo koobeynaa su’aalaha nala soo waydiiyo inta badan.
Waa Maxay Guurnet?
Guurnet waa barnaamij loogu tala galay dadka Guurdoonka ah ee Soomaaliyeed. Wuxuu ka kooban yahay laba App oo kala ah IOS iyo Android iyo website.
Lacag Miyaa Guurnet?
Isticmaalka Guurnet waa bilaash oo qof kasta oo guurdoon ah ayaa isticmaali kara balse wuxuu leeyahay adeegyo kale oo lacag ah oo sanadkii aad iibsan karto.
Dad ajnabi ah Miyaa Guurnet Isticmaala?
Haa Guurnet Soomaali kali ah ma isticmaasho ee sidoo kale waxaa isticmaala dad u dhashay wadamo kale sida, Afrika, wadamada Carabta, iyo Aasiya.
Qaabkee oo Lacagta Lagu Bixin Karaa?
Guurnet illaa hadda wuxuu isticmaalaa habka Online ka ah ee lacag qabashada sida Paypal iyo Google Pay.
Monday to Friday : 9am – 8pm
Saturday : 10am – 7pm
Sunday : 10am – 6pm
LA DEG APP KA GUURNET